Dibadbax ka dhan ah Go'aankii Trump ee Qudus oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Boqolaal qof ayaa maanta salaadi Jimcaha kadib isagu soo baxay wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka caraysanaa go'aankii Madaxweyne Trump ugu aqoonsaday Qudus caasimdaa Israel.

Dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Trump iyo Israel ayaa waxay socod ku mareen jidadaka waaweyn ee caasimadda, waxayna isagu tageen fagaaroyin, oo khudbado loogu jeediyay.

Waxay sheegeen in Qudus ay tahay magaalo muqadas ah, islamarkaana ay waajid diini ah ku tahay dhamaan Muslimiinta inay difaacan magaalada Qudus, oo uu ku yaalla Masjidka barakaysan ee Al Aqsa.

"Qudus oo caasimad u noqoto Israel waa dhamaadka Muslimiinta, waxaa waajib diini ah uu ku yahay qof kasta oo Muslim ah inuu difaaca Masjidka xurmaysan ee Al Aqsa," ayuu yiri Sheekh Cabdul-xayi oo dadweynaha la hadlayay.

Banaanbixii maanta ayaa yimid saacado kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay war saxaafadeed ay ku cambaaraysay go'aankii Trump ee aqoonsiga Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel. Halkan ka akhri.

Sidoo kale, dalal badan oo caalamka kamid ah ayaa maanta ka dhacay dibadbaxyo noocan ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin Pakistan, Iran, Indonesia, Malaysia, Afghanistan, Jordon, Tunisia, Yemen iyo Japan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM