Dowlada Soomaaliya oo ka hadashey go'aanka Mareykanka ee Qudus

Image

MUQDISHO- Qoraal kasoo baxay dowlada Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa waxa lagaga hadlay go'aanka dowlada Mareykanka ku aqoonsatey magaalada Al-Qudus tahay caasimada Israa'iil.

Hadalka dowlada Soomaaliya ayaa yimid xilli wadamada Mulimka ah ka horyimadeen go'aanka Madaxweyne Trump ku amrey in safaarada Mareykanka ee dalkaas ku leeyahay dalka Israa'iil loo rarey magaalada Al-Qudus.

Warsaxafadeedka kasoo baxey dalka Soomaaliya ayaa u qoraa sidatan:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

GAROWE ONLINE

 
 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM