Dibadbax ka dhan ah Kenya oo ka socda Beled-Xaawo

Image

BELED XAAWO - Banaanbax looga soo horjeedo derbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka Soomaaliya la wadaagto ayaa waxay ka socdaan tan iyo shalay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Idiris Aadan Nuur oo ah nabadoon degan Baled-Xaawo ayaa sheegay in dibadbaxa uu billowdey kadib markii ciidanka Kenya gudaha magaalada ka billaabeen calaamadeynta dhulka laga dhisayo derbiga.

Dadka Shacabka ah ayaa isagu soo baxay goobaha ay Ciidamada Kenya soo galeen ee ka socda Dhul Calaamadeynta, waxaana wararku ay sheegayaan in uu socda iska hor-imaad u dhaxeeya labada dhinac.

Dibadbaxayaasha ayaa dhagxaan ku tuuray ciidamada Kenya, oo iyaguna dhankooda rasaas kusoo jawaabey, taasi oo dhowr qof ay ku dhaawacmeen, sida qof Goobjooge ah uu u sheegay Garowe Online.

Mas'uuliyiinta gobolka iyo kan degmada wali kama aysan hadlin dibadbaxayada iyo dhul-boobka ciidamada Kenya ay kawadaan xuduuda Soomaaliya.

Kenya ayaa wado mashruuc ay derbi dheer uga dhisayso xadka ay lawadaagto Soomaaliya, si ay uga hortagto Weerarada Al Shabaab ay ka fulinayso Gudaha dalkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM