Diblumaasi hore oo lagu dhex-dilay xeradda Xalane ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diblumaasi hore iyo mid kamid ah gabdhaha u ololeeya arrimaha haweenka ee ugu caansan Soomaaliya ayaa lagu dhex-dilay xerada xalane ee Muqdisho.

Almaas Elman Axmed Cali ayaa la sheegay in ay haleeshay rasaas ka dhex-dhacday xerada Xalane oo ay ku sugan yihiin qaar kamid ah safaaradaha ugu waaweyn ee wadamada caalamka.

Illaa iyo haatan fahfaahin buuxda lagama bixin qaabka ay u geeriyootay Almaas, waxa keenay rasaasta iyo cidda ay ka timid xabadaha dhaliyey in ay dhimato gabadhan Soomaaliyeed.

Marxuumada ayaa waxay kasoo mid ahayd howladeenadda safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya. Sanadihii u dambeeyay waxay u xuub-siibatay dhanka ololaha xuquuqda haweenka.

Qoyska Elman oo caan ka ah gudaha Soomaaliya ayay ka tirsaneyd. Ilwaad Elman ayay walaalo yihiin taas oo ka shaqeysa Qaramada Midoobay madax-na ka ah Elman Peace.

Elman ayaa sanadkan 2019 waxay kamid ahayd shaqsiyaadkii u sharaxnaa ku guuleysiga abaalmarinta nabadda oo uu ku guuleystay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Geerida Almaas oo lama filaan noqotay ayaa waxaa durba tacsi ka diraya qaar kamid ah madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya kuwaas oo reerkeeda u rajeynaya bedel wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM