Dil ka dhacay Muqdisho iyo weeraro laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox hubaysan ayaa fal dil ah ka fulisay saaka oo Khamiis ah magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya, xili ay jirto digniino ku aadan weeraro argagaxiso oo ka dhaca magaalada.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in dilka nin lagu magacaabi jiray Cumar Geelle lagu dilay Goob Makhaayad ah oo ku yaalla Xaafadda Ex-Koontarool Balcad, ee degmada Heliwaa.

Marxuumka la qaarijyay ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ahaa mas'uul ka tirsan xiririka Kubadda cagta ee degmada Heliwaa, waxaana dilkiisa ka dambeeyay labo nin oo bastoolado ku hubaysan oo ugu tagey Makhaayad uu fadhiyay oo shaak ka cabayay saaka.

Gacan ku dhiigliyaasha ayaa goobta isaga baxsaday kahor inta aysan Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya soo gaarin, sida Goobjoogaha uu sheegay. Maamulka degmada wali kama uusan hadlin dilka loo geestay Cumar Geelle.

Dhanka kale, waxaa feejignaan sare la geliyay Ciidamada ku sugan baraha Koontaroolada gudaha iyo dibadda Muqdisho, kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan in Al Shabaab ay qorsheynayso inay weeraro argagaxiso ka fuliso magaalada.

Ciidamada ayaa kala xiray Jidadka muhiimka ah oo aan la isagu gudbi karin baabuurta, iyadoo isha ay ku hayaan Ciidamada degmooyinka waqooyi ee magaalada, oo la rumaysan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan xubanaha Al Shabaab.

Xog sirdoonka uu helay ayaa ka digaysa weeraro Al Shabaab la damacsan yihiin Hoteello ku yaalla Wadada Makka Al Mukarama iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, oo amnigiisa si aad ah loo adkeeyay hadda.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM