Dilal ka dhacay Muqdisho iyo NISA oo Howlgal samaysay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dilal kala duwan ayaa Xalay siyaabo kala duwan uga dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kale ay Ciidanka NISA fuliyeen howlgal dad badan lagu soo qabtay.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo isagu jiray Askar iyo dad la shaqeynayay Dowladda ayaa lagu dilay Nawaaxiga Jaamacaddii Gaheyr, waxaana dillalkaasi la sheegay inay ka dambeeyeen Rag bastoolado ku hubaysan.

Lama oga cida dilalkan fulisay iyo sababta, balse saraakiisha amaanka Muqdisho ayaa sheegay inay socdaan baaritaan la xiriira falkan saddexda qof lagu khaarijiyay.

Dhinaca kale, Howlgal ballaaran ayaa Xalay Ciidanka NISA ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Degmadda Hoddan, kaasi oo lagu soo qabtay boqolaal dhalinyaro ah, oo iyagoo jiifa guryahooda lagala soo baxay.

Howlgalkan oo dhacay saqdii dhexe ayaa waxaa Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed Mohamed Tuulah iyo Giddoomiyaha Degmadda Hoddan Mohamed Ahmed Cantoobo.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa beegsaday Waaxda Taleex ee Degmadda Hoddan ayaa Ciidanka NISA waxaa ay guri guri u baareen dhammaan Xaafadaha uu howlgalka ka socday, waxaana ay ku soo qabteen dhalinyaro aad u badan.

Guddoomiyaha Degamadda Hoddan Maxamed Axmed Cantoobo oo baarista ka dib lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Baaritaankan uu ahaa mid lagu Xaqiijinayo Amniga Degmadda, waxaana uu tilmaamay in si guul ah uu ku soo dhammaaday.

Tuulax oo isna la hadlay warbaahinta Baarista ka dib ayaa sheegay in howlgalkan uusan ku ekeeb xalay kaliya, balse si siman looga wada fulindoono dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM