Dilal shacab loogu gaystay Muqdishu

Image

MUQDISHU- Weeraro kala duwan ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay magalada Muqdishu xarunta Somalia, waxaana lagu beegsaday haween gaaraya saddex labo kamid ah geeriyoodeen halka mid kale soo gaaray dhaawac halis ah.

Kooxo bastoolado ku hubaysan ayaa saaka weerar ka gaystay degmada Dharkaynlay ee gobolka Banaadir, waxayna ku qaadeen labo gabdhood oo walaalo ah, midkood goobta ayay ku dhimatay halka tan kale soo gaaray dhaawac halis.

Lama garanayo sababta loo dilay hablahaasi oo da'dooda lagu qiyaasay 16-18 iyo kooxaha dilka gaystay, balse waxaa weeraradan ku caan ah ururka Shabaab.

Gabdhaahan ayaa lagu kala magacaabaa Fowsiyo Jamaac Xasan oo aheyd hooyo haysta 3 caruur waxayna ku naf-baxday goobta lagu weeraray, halka  shankaroon Jamaal Xasan uu soo gaaray dhaawac, iyo sidoo kale wadihii waday mootada ay saarnaayeen.

Dhanka kale dablay hubeysan  ayaa xalay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay  Haweeney 80 Sano jir ah oo lagu magacaabi jiray Cibaado Cabdi Maxamed,waxayna ka mid aheyd  ururka haweenka waaxda October.

Goobaha dilalkaasi ka dhaceen waxaa gaaray ciidamo dowladda katirsan kuwaasi oo wada baaritaano kala duwan oo lagu ogaanayo shakhsiyaadka toogashada sameeyay.

Mudooyinkii dambe waxaa magalada Muqdishu caasumadda Somalia kusoo badanayay weerarada qorsheysan ee lala beegsanayo shacabka Somaliyeed iyo mas'uuliyiinta xilalka haya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM