Diyaarad ciidamo kasoo daabushay magaaladda Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Diyaarad ayaa maanta oo Talaado ah waxay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb kasoo qaadey ciidamo, sidda ay GO u sheegeen illo xog ogaal ah.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha, tiradda guud ee askarta, oo loosoo duuliyey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa gaareysa 100.

Xogta, oo ay sidoo kale xaqiijiyeen xubno ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada, ayaa intaas ku dareysa in askarta ay isugu jiraan dhalinyaro cusub iyo askar horey loo qoray.

Ujeedka loogu daabulay magaala madaxda dalka ayaa waxaa lagu macneeyay "si ay u soo qaataan tababaro dheeri ah".

Hay'adda Nabad-sugida Soomaaliya qeybteeda dowlad goboleedka Galmudug ayaa qorshuhu yahay in ay ku biiraan kadib marka uu u soo dhamaado tababarka oo bilooyin soconaya.

Dowladda Federaalka oo Galmudug ka hirgelisay maamul goboleed "daacad ah" oo uu hogaaminayo Axmed Cabdi Kaariye ayaa wada olole ay ku xoojineyso joogitaankeeda.

Wallow loo jeediyey dhaliilo looguna baaqay in uu baarto dhacdooyinkii u dambeeyay, Turkiga ayaa inta badan tababar siiya ciidamadda xukuumadda u dirto maamul goboleedyadda wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM