Diyaarad ka duushay magaalada Muqdisho oo gubatay

Image

GAROWE, Puntland - Diyaaradda xamuul oo ka duushay Muqdisho, kuna sii jeeday Doolow ayaa waxaa qabsaday Dab wax yar kaddib markii ay ku degtay garoonka diyaaradaha magaaladaas.

Lama soo sheegin khasaaro nafeed, iyadoo duuliyeyaasha diyaaradda ay ka boodeen ka hor inta aanay dab ka kicin. Diyaraadda ayaa nooceedu yahay C-160 waana diyaarad xamuul.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in diyaaradda uu dab qabsaday markii ay soo cago dhigataay garoonka. In la waayey gaadiidka gurmadka deg-deg ah ayaa dhalisay gubashada.

Ilaa hadda lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doolow iyo kuwa gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin. Isku dayo xiriir ayaanan guuleysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo Wadahadal la Yeeshay Amiirka Qatar

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar ayaa ahaa mid dhow oo xooggan xilligii madaxweynanimada Farmaajo.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 04:43PM

Dowladda Soomaaliya oo Si Adag U Cambaareysay Hadalka Netanyahu

Cambaareyntan waxay la jaanqaadaysaa jawaabta Sacuudiga, kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ay ku eedeysay Netanyahu.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 09:28AM