Diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ku burburtey Marka

Image
Si dhab ah looma ogga halka ay ku wajahneyd diyaaradda iyo goobta ay kasoo dhaqaaqdey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo lagu waramay in galabnimadii Arbacada maanta ay ku dhacey magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa waxa ay warsidaha Garowe Online u sheegeen in ay arkayeen dab badan oo kasoo baxaya meesha uu shilku ka dhacay. Balse waxa ay ka gaabsadeen khasaaraha dhimasho ama dhaawac.

Saraakiil ciidan oo ku sugan gobolka ayaa intaas ku daray in diyaaradda ay ku wajahaneyd Muqdisho isla markaana aysan xiriir la lahayn howlgalka ATMIS, Qaramada Midoobay iyo hay'adaha la shaqeeya.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan shilkan oo illaa haatan kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose ama dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa uu kamid yahay meelaha ay sidda ba'an joogitaanka qarsoodiga ah ugu leeyihiin dagaalameyaasha Al-Shabaab wallow ay ciidamadda dowladda joogaan magaalooyinka waa weyn sida Marka.

Shabeellaha Hoose waxaa ku yaalla saldhigyo ciidan oo waaweyn kuwaas oo ay kala degan yihiin ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee magacooda loosoo gaabiyo ATMIS iyo kuwa Mareykanka.

Ciidamadda Mareykanka ayaa waxa ay dagan yihiin garoonka Balidoogle halkaas oo ay ku tababaraan ciidamadda kumaandooska Soomaaliya ee loo garan-og-yahay Danab kuwaas oo si weyn ula dagaala maleyshiyada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM