Diyaaradda Egypt Air oo Duullimaad ka bilaabeysa Muqdisho

Image
Egypt Air ayaa wafdi usoo dirtay Muqdisho si ay qiimeyn u sameeyaan.

Muqdisho, Soomaaliya - Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa maanta qaabbilay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Dalka Masar iyo shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air.

Maareeyaha guud, Axmed Macallin ayaa yiri: “ Waxaan isla bilownay qiimeynta la xiriirta suurtagalnimada ay duulimaad toos ah uga billaabayso Muqdisho, shirkadda diyaaradaha Egypt Air, kaaso noqonaya Muqdisho iyo Qaahira,”

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xafiisyada xarunta dhexe ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Socdaalka wafdiga iyo ujeeddada kullamadan ayaa bilow u ah qorshaha lagu diyaarinayo duulimaadyo ay ka bilowdo garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, shirkadda duulimaadyada Egypt Air.

Egypt Air, ayaa ku biiraysa shirkadda duulimaadyada Saudi Airlines, oo sidan oo kale wafdi usoo dirtay Muqdisho toddobaadyo ka hor si ay qiimeyn u sameeyaan, labadan duulimaad ayaa la filaya in la billaabo ka hor dhammaadka sannadkan, waxayna noqonayaan duulimaadyadii sagaalaad oo caalami ah oo ka soo degga Muqdisho.

Waxaa horey si joogta ah uga soo deggayay Muqdisho shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee kala ah; Turkish Airlines , Qatar Airways, Ethiopian Airlines, Flyduba, Air Djibouti, Uganda Airlines iyo Kenya Airways.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Diidmada Gelitaanka Mareykanka Ee Garsoore Omar Artan Oo Caro Ballaaran Abuurtay

Toddobaadkii hore ayay FIFA sheegtay in arrinta fiisaha Omar Artan si buuxda loo…

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 07:18PM

Sirdoonka Turkiga oo Wada Dadaallo Lagu Xallinayo Khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya

Turkiga ayaa muddo dheer ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 08:21AM