Dooda dhameystirka Dastuurka Soomaaliya oo waji cusub yeelatay

Image
Doodda Cutubka afaraad oo sii socon doonta maalmaha soo socda ayaa waxaa isku diiwaan geliyay in ka badan boqol Mudane.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada Labada Aqal ayaa shir guddoomiyay kulanka 24-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka.

Cutubkan oo u qaybsan afar madax ayaa maanta waxaa ka doodistooda la furay madaxa koowaad mabaadii'da guud ee mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka, iyadoo Sanatarrada iyo Xildhibaannada ay soo jeediyeen aragti wax ku ool ah oo ku saabsan qodobada 48-aad illaa 53-aad ee cutubka Afaraad madaxyadiisa koowaad iyo labaad

Doodda Cutubka afaraad oo sii socon doonta maalmaha soo socda ayaa waxaa isku diiwaan geliyay in ka badan boqol Mudane, taas oo muujinaysa muhiimadda cutubkaan uu leeyahay, iyadoo Guddiyada La-Socodka Dastuurkana ay diiwaan geliyeen dhammaan hadal qoraallada Sanatarrada iyo Xildhibaannada ka aragti dhiibtay qodobbada maanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diidmada Gelitaanka Mareykanka Ee Garsoore Omar Artan Oo Caro Ballaaran Abuurtay

Toddobaadkii hore ayay FIFA sheegtay in arrinta fiisaha Omar Artan si buuxda loo…

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 07:18PM

Sirdoonka Turkiga oo Wada Dadaallo Lagu Xallinayo Khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya

Turkiga ayaa muddo dheer ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 08:21AM