Dooda furida dastuurka oo kusoo laabanaysa fagaareyaasha siyaasada

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waramay inuu bixiyay "amar halis ah" kahor caleema-saarka Deni.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dooddii wax ka badalka dastuurka Soomaaliya ayaa waxaa lagu waddaa in mar kale ay kusoo laabato fagaareyaasha siyaasadda dalka xilli Puntland ay dhowaan dalbatay in gabi ahaanba la joojiyo.

Guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ayaa, sidda ay wararku sheegayaan, waxa uu qorsheynayaan in habraacan lagu muransan yahay uu miiska soo saaro Arbacada nagu soo aadan.

lllo wareedyo war-gal ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Madaxtooyadda Soomaaliya ay gadaal ka riixeyso isku-daygan cusub wallow ay markii koowaad diidmo culus kala kulantay siyaasiyiinta. 

"Gudoomiyaha golaha shacabka Aaden Madoobe oo fulinaya cadaadiska Madaxtooyadda, ayaa guddiga dib-u-eegista dastuurka ee labada golle, ku amray isna Arbacada lakeeno fadhiga golaha Habraaca lagu muransan yahay, taas oo kasoo horjeeda wada hadalkii u dambeeyey Madaxweyne Xassan iyo Madaxdii hore," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Dardargelintan ayaa imaanaysa xilli hogaanka cusub ee Puntland oo ay wehliyo madaxwyane hore Faroole si lamid ah Ra'iisul Wasaare Hore Sharmaake ay codsadeen in la hakiyo dhameystirka dastuurka.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen maalin kadib doorashaddii madaxtinimada Puntland ee 8-dii Janaayo, 2024 ayay ku xuseen in soojeedintan ay salka ku hayso si wadatashi loo-dhan-yahay looga galo qadiyadan.

Madaxweynaha dib loo doortey ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu waddaa in la caleema-saaro 25-ka Janaayo, 2025 halkaas oo qorshuhu yahay in ay kasoo wada muuqdaan qaar kamid ah hormuudka siyaasada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu kamid yahay hogaamiyeyaasha siyaasadda ee kasoo muuqan doonta caleema-saarka isla markaana hadal-jeedinta ka sameyn doonta.

"Amarka cusub uu Xasan Sheekh bixiyey wuxuu u muuqdaa inuu doonayo tagitaanka Garowe isaga oo loo ansixiyey habraaca uu rabo si ay sal ugu noqdana gorgortankiisa wadaxaajoodyada Garowe," ayay tibaaxeen.

Sikastaba, waxaa si weyn isha loogu hayaa natiijadda kasoo bixi doonta wadahadaladda ay Garowe ku yeelan doonan madaxda Puntland iyo Xasan Sheekh kaas oo waji cusub u yeeli doona siyaasada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM