Doorashada golaha shacabka ee Somaliland oo la muddeeyay

Image
Mudaneyaasha gobolada waqooyi ku metela baarlamaanka federaalka ayaa lagu doortaa Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu ugu yaraan todobaadka soo aadan ay bilaaban doonto doorashada sharci-dejiyeyaasha Aqalka Hoose ee Somaliland.

Rooble oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacdey Villa Soomaaliya taasoo lagu maamuusayey ergada dalka ku meteshay dacwadda badda ayaa ku booriyey maamulada in ay dedejiyaan geedi-socodkan.

"Habeen kasta waxaan ku duceystaa in howshan ay nooga soo dhamaato si nadiif ah anaga oo aysan cidna na xag-xageyn, cidna wax u dhimin cidna aysan dhibaato soo gaarin," ayuu Rooble hadalkiisa kusii daray.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa si wadajir ah u daadihinaya geedi-socodka xubnaha gobolada waqooyi.

Dhanka kale, Rooble ayaa gaashaanka ku dhuftey wararka ku saabsan in dhaqaale la’aan baahsan ay soo wajahdey xukuumadda maadaama ay jiraan warbixino ah in beesha caalamka joojisay kabka miisaaniyada dalka.

"Ma jirto wax la yiraahdo sagxadda. Waxaan caddeynayaan in aan haysano mushaharkeena iyo kan ciidamadda. Waxaa naga dhiman xoogaa yar," ayuu tibaaxay isaga oo aan fahfaahinta waxa ay tabayaan.

Mudaneyaasha gobolada waqooyi ku metela baarlamaanka federaalka ayaa lagu doortaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho maadaama aysan tagi karin degaanadooda oo 1991-dii looga dhawaaqay gooni-u-goosad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM