Doorashada Kuraasta ka banaan Baarlamaanka oo walaac laga muujiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa war-murtiyeed kasoo saarey dib u dhaca ku yimid doorashada kuraasta la laaley ee ka banaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gollaha ayaa walaac xooggan ka mujiyay go'aanka Maxkamadda Sare ee dib loogu dhigayo qabsoomida doorashada Xildhibaanada, iyadoo Beelaha loo qoondeeyay Kuraasta ay shaki ka qabaan in la musuq-maasuqo, maadama ay u tartamayaan Siyaasiyiin miisaan leh.

War-murtiyeedka oo ka kooban 6 qodob ayaa lagu baaqay in waqti kale dib loo dhigin doorashada, maadaama hadda la sugayay lix bilood, iyadoo Beelo badan aysan wax matalaad ah ku lahayn hadda Baarlamaanka 10aad, kuwaasi oo waayay xuquuqdoodii dowladda.

Warqad ka soo baxday maxkamadda Sare ee dalka bishii May, 2017 ayay ku amartay in dib loogu noqdo doorashada 8 kursi oo kamid ah 11-kii kursi ee uu Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka horey u laalay.

Laakiin, Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii July, 2017 waxba kama jiraan ka dhigay go'aanka Maxkamadda kasoo baxay, iyadoo Kulan ay yeesheen Xildhibaanada isku raaceen in doorashada 8-da Kursi loo maray wado sharci ah.

Xildhibaanada dib loogu noqonayo doorashadooda:

1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

2. Maxamed Saciid Cabdullahi

3. Maxamed Axmed Abdtidoon

4. Nadiif Aadan Isaaq

5. Muna Khalif Sheekh Abu

6. Cabdicasis Salax Carmaan

7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8. Samra Ibrahim Cumar

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM