Doorashada Kursi kamid ah BFS oo ka dhacaysa Jowhar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar, ee xarunta KMG ee maamulka HirShabeelle ay ka dhacdo doorashada Kursi kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaran Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Kursiga Beesha Xawaadle ay u tartamayaan Lix musharax oo kale ah Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Cali Cabdullaahi Cosoble, Dahir Cabdulle Cawaale, Nuur Iidow Beyle, Dahabo Xasan Axmed iyo Xuseen Axmed Geelle.

Musharxiinta Sanbaloolshe, Taliyihii Nabad Sugida Soomaaliya [NISA] iyo Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ugu cad-cad doorashada Kursigan Gollaha Shacabka ee loo qoondeey Jufada Cali Madaxweyne.

Kursigan waxaa markii hore baneeyay Sanbaloolshe bishii April, 2017 markii loo magacaabay Taliyaha Nabad Sugida, xilkaasi oo laga qaadey kadib qaraxii Zoobe.

Amaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay saaka, iyadoo ay ergada doorashada ay ku sugan yihiin hoolka doorashada, oo ah halkii lagu soo doortey Xildhibaanada HirShabeelle.

GAROWE OLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM