Doorashadii Puntland oo isku badashay magacaabid.

Image

Dadweynaha Puntland aad bay ugu hamuun qabeen in ay mar codkooga ay ku doortaan qofkii ku madali lahaa siyaasada si ay u helaan isla xisaabtan. Dowlada uu hogaamiyo Saciid Cabdulahi Deni ayaa dadka ka dhaadhiciyey in doorashooyinka soo socda ay ahaan doonaan kuwa dimoqraadiyaddu ku disan oo uu qof walba dooranayo qofkii uu rabo ama ay isleeyahiin danahiina buu wax ka qaban karaa.

Dadka dimoqraadiyadda wax ka yaqaan isla markii uu madaxweynaha bilaabay Barnaamijkiisi  ahaa dimoqraadiya, waxaa u muuqday in aysan arrinka madaxweynaha uu ka shaqaynayo aysan marnaba dimoqraadiyey aysan ahayn.

Dimoqraadiyey waa marka qofka uu soo doordo qofka uu isleeyahay wuxuu wax ka qaban karaa xaalada markaa jirta. Qofka lasoo dooranayana waa qof isu soo sharaxay inuu xilkaa uu isku soo sharaxay uu qabto, isagoo dadka u sheegaya aqoondiisa iyo sidda uu wax uga badali karo xaaladaha markaa jira. Qofka wax dooranayana uu doorto qofka uu rabo.

Doorashadii hadda ka dhacay Puntland waxaa la dooranayey waa xisbiyo, xisbayaasha oo usoo xulay halkii degmaba ilaa 10 qof oo u kala horeeya siddii uu xisbiga u kala hormariyey. Taa micnaheeda waxaa weeye haddii uu xibiga helo labo ama sedex cod, labada ama sedex qof oo liiska u horeysa baa codka helaya.

Waxaa dhacay meelo badan in qofkii afaraad ee liiska oo dad badan oo magaalada degan ka dhaadhiciyey in ay isaga u codeeyaan maxaa yeelay wuxuu wax ka badali karaa xaaladooda, inuu codkii waayo oo dadkii isaga u codeeyey ay kusoo baxaan qof kale oo xisbika ka dhigtey qofka  koowaad ama labaad, qofkaa oo laga yaabo qofkale oo xisbika ka dirsan in ay qaraabo yahiin.

Qofkii xisbika ka dhigtey qofka koowad liiskii ay gudbiyeen oo aanan qofna u codeeyeen isna qofna raadsan in loo codeeyo baa waxaa muuqday inuu ku soo baxay codadkii dadka kale juhdiga kaliyeen.

Halkaa marka ay marayso, dadka dimoqraadiyadda wax ka yaqaan way ogaadeen in ay wax qaldan yahiin, lakiin dadweynaha reer Puntland oo hamuun u qabay in ay mar uun wax dooraan baanan fahmin siddii ay wax u socdaan.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku indha saabay waxaa ka xoroobeeysaan siyaasi ay soo xuleen odey dhaqameed, kaas oo idinka fushada danahiisa gaarga ah. Wuxuu kaloo ka dhaadhiciyey dadka qof walba oo ka hadla doorashada waa qof aanan rabin in aad aayahiina ka dalisaan oo horkal ah oo rabo in lagu sii jiri siddi hore oo musuqmaasuq wax lagu soo xuli jirey.

Doorashadii golayaasha degaanka markii ay dhacday bishii May 25, 2023, dad badan waxay filayeen in dadkii la doortey ay xafiisyada u shaqo dagaan muddo yar ka dib. Sedex bilood iyo bar ka dib bay dowlada isku dayday in ay degmooyinkii u samayso gudoomiyaal iyo ku xigeeno.

Habraaca doorasha ayaa wuxuu dhigayaa in xisbigii haysda Aqlabiyad uu doorto gudoomiyaha iyo gu xigeenkiisa. Haddii la waayo xisbi haysta Aqlabiyad, waxaa is bahaysanaya xisbiyada ilaa dhowr xisbi ay Aqlabiyad noqonayaan oo markaa iyaga dhisayaan golayaashii degmada. Haddii la waayo xisbiyana oo noqda Aqlabiyad in doorasho la sameeyo xildhibaanapda dhextooda ah.

Dastuurka wuxuu qorayey in ururada siyaasada oo sagaal ahaa ay sedexda ugu codod badan loo aqoon sanayo xisbiyo. Sidaas baana doorashadii lagu kalay. Doorashadii kabid ayaa dastuurkii la furay oo loo aqoonsatay 8 ka mid ah 9 urur xisbiyo.#

Afar ka mid ah xisbiyadii 8 ahaa baa midoobay oo ah Sincad, Ifiye, Mustaqbal oo dhinac ah iyo Kaah. Labada xisbi ee kale oo ah Runcad iyo Shaqaalaha codad saas ah ma helin. Mideye iyo Horseed na waa ka horyimaadeen ka mid noqoshaha doorashooyinka soo socda, in kastoo Horseed aysanba ka qayb qaadan doorashadii kolayaasha.

Afarta xisbi oo midoobey baa waxay ku qaybsateen magaalada Garowe golayaashii degaanka iyagoo aanan xeerin xisbika ugu badan doorashadaas iyo sidda ay xisbiyada isku raaceen maadaama aysan jirin hal xisbi oo mucaarad ah. Waxay ku saleeyeen siddii ay islahaayeen qabaa ilada baa wax ku qaybsan jiray.

Aqoon, yari ay ka leeyahiin sidda dadka wax u qaybsan jireen, iyo dadkii oo ogaaday in aysan waxaan ku salaysanayn xisbiyo oo meelaha qaarkood xisbi helay codad yar la leeyahay isgaa gudoomiya laga soo xulayaa ama gudoomiye ku xigeenka.

Odey dhaqameed badan baa waxay u dacweedeen wasiiradoodii markii ay is fahmi waayeen wasiirkii Arimaha gudaho oo fulinayey waraaqahii ay xisbiyada u soo dhiibeen oo u dhib badan kala kulmay. Waxaase moodaa in wasiirka arrimaha gudaha uu dareemay in wax qaldan yahiin markii uu Facebookiisa kusoo qoray in loobahan yahay in isbahaysiga xisbiyada uu ku salaysan yahay heshiis buuxa oo faacimaad qaba loona baahan yahay in xildhibaanada dageenada lagala tashado. Dacwadii odeyaasha markii danbe waxay gaadhaybaa la yiri madaxweyne ku xigeenka oo laga soo wariyey inuu yiri aniga ma idin kale aqaanee, aan sugno ninkii meesha xukumay oo safar banaanka ah ku maqan muddo 30 cish ka badan.

Dadka intiisa badan waxaa moodaa in ay hadda soo fahmayaan in doorashii loo sheegeyey in ay dimoqraadiyed ay tahay aysan ahayn oo isku badashey in uu xiska usoo magacaabo qofka ay rabaan iyadoo loo eegin in qofkaa dadka magaalada ay doorteen maadama waxa la dooranayey ay ahaayeen xisbiyo oo aan qof shaqsi loogu codeeyn.

Dad weynaha Puntland hadda waxay ka walwal qabaan sidda ay ku suuroobayso in la qabto doorasha ku salaysan hal qof iyo hal cod January 8, 2024, iyadoo la og yahay in doorashadii May 25 la qabday aan wali laga heshiin lana dhowrayo inta madaxweynaha ka soo noqonaya, iyo iyadoo sidoo kale la og yahay in sedex degmo oo ay ku jirto caasimada aanan wali doorasho laga qaban.

Waxaa suuqa laysla dhexmarayaa in ay dowlada rabto in ay xukunga kororsato ilaa labo sano oo gudiga doorashooyinka ee Puntland hadda la doorday ay ka codsan doonaan barlamanka inaysan ku qaban karin doorasho xiliga dhiman loona baahan yahay in xilka loo gordhiyo dowlada. Markaas uu madaxweynaha oran doono, aniga waxaan rabay in doorashada dhacto January 8, lakiin gudigii baa codsaday in waqti la siiyo, siddaasna uu madaxweyne ku sii ahaado.

Wali madaxiisa waxaa ku jirta sheegatadii uu ka sheegey Madaxweyne Faramaajo markii uu ku jiri xiligii doorashada waa la gaaray, miyaad aragtay qof darbiga iiga soo dhacay. Markaas baan waxaa iri buu yiri iska oo qoslaaya maya. Wuxuu ku fagarayaa haddii uu waqtigaaga dhamaado, wax darbiyada kaaga soo dhacaya ma jiraan, lakiin wuxuu is hilmaansiinayaa Madaxweynaha meeshii uu Faramaajo markii danbe ku danbeeyey.

Xalku wuxuu ku jiraa in uu madaxweynaha isku yeero Mucaaradka iyo odey dhaqameed yadda oo laga wadda hadlo siddi ay doorasho ku dhici lahayn January 8, 2024, iyadoo doorashada lagu kalayo qaab ay dadka wadda ogal yahiin, xiliga doorashada ka harayna aysan saamaxayn in waxkale lagu heesho aanan ka hayn wixii horey heshiiska loogu ahaa oo ah in odey dhaqameed ay soo xulaan 66 xildhibaan, dowlada ka dhaladana ay bilowdo maalinta koowaad in ay ka shaqayso dimiqaradiyad dhab ah oo qof uu qof doorto.


Qore: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein
Email: mohabdhus@gmail.com
Atlanta , Georgia.

Related Articles

Soomaaliya: Diyaarado ka degay Kismaayo iyo Isku-daygii DFS ee xayiraadda oo fashilmay

Waxay tani muujinaysaa inuusan shaqeyn isku-daygii maamulka Xasan Sheekh ee diyaaradaha looga joojiyay Kismaayo.

  • Soomaliya

    19-01-2025

  • 01:27PM

Soomaaliya: Wasiirka Gargaarka Puntland oo Beenisay hadal kasoo yeeray SoDMA

Waxay sidoo kale tilmaantay in Puntland ay wajaheyso caqabado adag oo bani’aadamnimo, kuwaas oo ka dhashay abaaro daba dheeraaday.

  • Soomaliya

    19-01-2025

  • 11:17AM