Dowlad goboleedyada oo fahfaahiyey kulankii ay la yeesheen Farmaajo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxtooyadda shanta maamul goboleed ee waddanka Soomaaliya ayaa fahfaahino dheeri ah oo kooban kasoo saarey kulankii ay la yeesheen madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa Madaxtooyadda Galmudug ee Dhuusamareeb markii ugu horeysay si wadajir ah kula kulmay hogaanka maamulada kadib tagitaankooda halkaas.

Ugu horeyn, madaxtooyadda Puntland oo bayaan soo saartay ayaa is-aragga ku sifeysay "kulankii kowaad ee rasmi ah ee Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah".

"Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ayaa isugu yimi Dhuusamareeb, si ay uga wadatashaan arrimaha masiiriga ah ee dalka sida Doorashadda 2020/2021," ayay raacisay qoraalka.

Aqalka looga arimiyo maamulka Jubbaland oo shirka ku sifeeyay "kulan gogol xaar u ah wadatashiga dowlada federaalka maamuladda".

"Kulankan ayaa gogol xaar u ah shirka Wadatashiga Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga tashanayo wakhtiga kala guurka ah kaas oo dhawaan ka furmaya Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug," ayaa lagu qoray barta Facebook ee xafiiska Axmed Madoobe.

HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa warbixintooda kusoo koobay in kulanka uu horudhac u ahaa wadatashiga loo balansan yahay.

Galmudug ayaa tibaaxday in madaxweyne Farmaajo uu gudoominayey shirka, isla markaana ra'iisul wasaare Khayre ka ahaa goobjooge.

"Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeybgalay kulan horudhac u ah Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha JFS, isla markaana ay goobjoog ka ahaayeen Ra'iisul wasaaraha XFS, iyo Madaxweyneyaasha DXDF kaasoo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug," ayuu yiri xafiiska madaxweyne Axmed Qoor-qoor.

Sikastaba ha ahaatee, waxa kaliya ee wali aan la ogaan ayaa ah goorta uu furmayo shirka loo-dhan-yahay ee madaxda dowladda federaalka iyo maamulada, kaas oo looga heshiinayo doorashada soo aadan iyo siyaasadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM