Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay xayiraada Hawada

Image

MUQDISHO | Kulan ay isugu yimaadeen golaha xukuumada kalsoonida lagala noqdey kaas oo shir gudmoonayey ku simaha Ra'isal wasaaraha ahna ku xigeenka Mahdi Khadar ayaa warsaxafadeed laga saarey nuqul kamid oo soo gaarey Garowe Online sidaan u qoraa: 


Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dib u furidda dhammaan adeegyadii iyo shaqooyinkii u xirmay la tacaalidda COVID19.

Shirka golaha ayaa sidoo kale lagu amaanay dadaalkii iyo wax-qabadkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu la yimid mudadii uu xukuumadda hoggaaminayay.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka war bixiyay natiijada kulanka ayaa caddeeyay in golohu isku raacay in goobaha waxbarashada, garoomada diyaaradaha iyo dhammaan adeegada muhiimka u ah bulshada dib sidoodii loogu soo celiyo maadaama ay hoos u dhacday khatarta safmarka Feyruska Karoona.

Golaha ayaa bogaadiyay taageerada ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyihiin saaxiibada, Soomaaliya waxayna sidoo kale ka codsadeen inay sii wadaan taageerada, ilaaliyaanna madax bannaanida dalka, dhammaan talooyinkana ay u marsiiyaan marinnada diblamaasiyadda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM