Dowlada oo ka hadashay askarta AMISOM ee la xukumay
MUQDISHO, Soomaaliya – Labo askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka saddex kalena lagu xukumay 39 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay dambi ah inay dileen dad rayid ah.
"Maxkamadda ciidamada Uganda ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa labadan sarkaal ku heshay danbi ah inay si bareer ah dad rayid ah ugu dileen meel ku dhow xaafadda Golweyne ee gobolka Sh/hoose bishii Ogosto ee sanadkan, iyadoo saddex kalena lagu xukumay xabsi daa’im ah, kadib markii lagu helay dambiga ay galeen,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa u sheegay VOA Somali Sabtidii.
Nuur ayaa raaciyey: "Xukunkan wuxuu cashar u noqon doonaa howlgalka AMISOM in mid ka mid ah askartiisa uusan ku baxsan doonin dilalka rayidka Soomaaliyeed".
Dilka shacabka ayaa dhacay 10-kii Ogosto markii ciidamada Uganda ee gaaf-wareegaya wadada muhiimka ah ee isku xirta Beldamin iyo tuulooyinka Golweyn ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa beer ku taal meel 120 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka iyo war ka soo baxay AMISOM.
Ehelada iyo goobjoogayaasha ayaa ku eedeeyay askarta AMISOM inay meydadka qaar ka mid ah dadka dhintay ay dul-saareen miinooyinka meelaha fog laga hago ka hor inta aysan ku qarxin, taasoo keentay caro dadka deegaanka ah iyo banaanbaxyo ka dhacay Muqdisho.
Afhayeen u hadlay Ehelada oo lagu magacaabo Xuseen Cismaan Waasuge oo kula hadlay Warbaahinta maxaliga banaanka Maxkamadda ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin xukunka.
"Inkastoo aysan jirin qareeno noo doodaya, mid naga mid ah iyo lix askari oo Uganda ah ayaa loo ogolaaday inaan ku marqaati furno askarta eedeymaha ah laba maalmood," ayuu yiri Waasuge. "Aad ayaan ugu faraxsanahay go'aanka maxkamadda, waxaana rajeyneynaa in magdhow la siiyo qoysaska dadkii la dilay."
Ciidamada Uganda ayaa saldhigyo ku leh magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay kala kulmaan qaraxyo abaabulan iyo weeraro gaadmo ah oo ay ku beegsato gaadiidkooda iyo fariisimahooda dagaalameyaasha Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE