Dowlada Somalia oo ka baxdey heshiiska Qaxootiga

Image

Dowlada Federaalka Somalia ayaa markii Labaad ka baxdey heshiis la damacsanaa in dib loogu celiyo 500,000 oo Somali ah kuwaasoo qaxooti ku jooga dalka Kenya, sidaas waxaa sheegey saraakiil ka tirsan Wasarada arrimaha dibada Kenya.

Kulan arinkaan looga wadaxaajoon lahaa ayaa la baajiyey maalintii shaley kadib markii waftigii ka socdey dowlada Federaalka soo xaadiri waayeen goobta.

Sarkaal u hadley wasaarada arrimaha dibada oo diidey magaciisa ayaa sheegey in dowlada Kenya dib-u-celinta qaxootigaan kala xaajoon doonto maamulka Jubba-land madaama dadkaan intiisa badan ka yimaadeen halkaas hadii dowlada Federaalka laga waayo iney ka qayb gasho.

"Howshaan dowlada Federaalka uma haysan karto afduub, waxaa muuqata iney DF rabin in horey loo wado qorshahaan" ayuu yiri sarkaalka u hadley wasaarada arrimaha dibada oo diidey magciisa.

Kulankaan baaqdey maalintii shaley 15 August,2014 waxaa ka qayb gali lahaa Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Willianm Ruuto, sarakiil ka socota arrimaha dibada, saraakiil ka socota hay'daha qaxootiga QM iyo dhigooda ka socda dowlada Federaalka balse ma aysan soo xaadirin waftigii laga sugayey Somalia.

Dowlada Kenya ayaa saldhig u aheyd abuurista maamulka Jubaland kadib markii ciidamadeedu ka xoreeyeen kooxda Al-shabaab degaanada Jubooyinka hoos yimaada intooda badan.

Warar aan la xaqiijin ayaa xusaya in dowlada Kenya dhowaan diyaarineyso iney isugu yeerto kulan kale oo looga hadlayo arinkaan kaasoo dowlada Fedralka aan laga casumi doonin.

Bishii May ee la soo dhaafey ayaa dowlada Kenya u magacowdey Hillary Kyengo Qunsul u fadhiya magaalada Kismayo kaasoo dowlada Fedraalka ka carootey

Dhinaca kale afhayeen u ahdley wasaarada arrimaha gudaha Kenya Mwenda Nioka iyo ambassador-ka wadanka kenya u fadhiya Somalia Josephat Maikara ayaa khilaafkaan labada dal diidey inuu jiro.

May,2014 dowladda Somalia ayaa wadahadalkaan ka baxdey kadib markii dowladda Kenya ku eedeeysay iney si xun ula dhaqantey dadka Somalida ah kadib markii qaraxyo kooxaha Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha dalka kenya.

Safiirka Somalia u fadhiya Kenya ayaa ka gaabsadey inuu saxaafda kala hadlo arrimahaan.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA.

Related Articles

Axmed Madoobe oo mar kale usoo gurmaday Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay inuu xalay heshiis kale dhex-dhigay Xasan Sheekh iyo Laftagareen.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 06:01AM

Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray la dagaalanka kooxda AS

Wasaarada Amniga gudaha ayaa golaha la wadaagtay xogta howlgalada socda iyo khasaaraha.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:40PM