Dowlada Somaliya oo ka digtey go'aanka Kenya ee Qaxootiga

Image

NEW YORK- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya oo la hadlay Idaacada VOA laanteeda Af- Somaliga ayaa sheegey iney dhibaato ka dhalan karto hadii dalka Kenya ku dhaqaaqo xiritaanka xeryaha qaxootiga gaar ahaan Dhadhaab.

Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa meesha ka saarey wararka sheegaya in dowlada Kenya sababta ay u xireyso xeryahaan tahay iney hoy u noqdeen kooxaha argagixida ah ee weerarka ku qaada gudaha dalkaas.

Hadliya ayaa ka digey islamarkaana dusha uga tuurey mas'uuliyada dowlada Kenya in hadii caruurta dib loo soo celinayo gacanta u galaan kooxaha argagixisada ah kuwasoo ka dagalama inta badan Koonfurta Somaliya. 

Wasiirka ayaa sheegey sidoo kale inuu la hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya islamrkaana u sheegey in la ixtiraamo heshiiska Sadex geesoodka ah kasoo ka dhexeeyey Somalia, Kenya iyo hay'ada UNHCR.

"Arinta la leeyahay dhibaatada Amniga, weli ma dhicin lamana sheegi karo qof qaxootiga oo dagan xerada qaxootiga Dhaadhaab oo ka qayb galey xumaatida ka dhacdey Somaliya amaba xumaatida lagu sameeyey dadka Kenya ama ha ahaato Wesgate ama jaamacada Gaarisa" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya oo difaacayey in dadka qaxootiga ee ku jira xeryaha qaxootiga ka qayb qaataan falalka argagixisada.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa dowlada Kenya ka dalbadey iney ka fiisrato go"aan ka ay sheegtey iney ku xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab.

Dowlada Kenya ayaa dhowaan ku wargalisay hay'adaha ku shaqeeya qaxootiga iney u diyaargaroobaan dib u celinta qaxootiga Somalida ee gaaraya 500,000 sidii dib loogu celin lahaa dalkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM