Dowladaha Soomaaliya & Turkiga oo kulan ka yeeshay heshiiskii dhaxmaray

Image
Saraakiil Kala duwan oo ka socday Dowladda dalka Turkiga ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Soomaaliya - Saraakiil Kala duwan oo ka socday Dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga DFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa wafdiga ka socday Turkiga kulan kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka XDS

Saraakiisha ka socday Dalka Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada Ciidamada Badda, Dhulka iyo Masuuliyiin ka Socotay Wasaarada Difaaca Dalka Turkiga.

Ujeedada Kulankan ayaa lagu sheegay dhismaha iyo Qalabeynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo heshiiskii dhawaan ay wada galeen Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ahaa Heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Badda ee XDS Admiral Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Gen Dayax Cabdi cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM