Dowladaha Soomaaliya & Turkiga oo kulan ka yeeshay heshiiskii dhaxmaray

Image
Saraakiil Kala duwan oo ka socday Dowladda dalka Turkiga ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Soomaaliya - Saraakiil Kala duwan oo ka socday Dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga DFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa wafdiga ka socday Turkiga kulan kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka XDS

Saraakiisha ka socday Dalka Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada Ciidamada Badda, Dhulka iyo Masuuliyiin ka Socotay Wasaarada Difaaca Dalka Turkiga.

Ujeedada Kulankan ayaa lagu sheegay dhismaha iyo Qalabeynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo heshiiskii dhawaan ay wada galeen Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ahaa Heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Badda ee XDS Admiral Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Gen Dayax Cabdi cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM