Ethiopia oo xabsiga kasii deysay Qalbi-Dhagax

Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Ethiopia ayaa sii deysay Cabdikariim Muuse "Qalbi-Dhagax", oo katirsan Saraakiisha Ururka ONLF, oo dagaal kula jira dalkaasi.

Fowsi Maxamed Cali, oo kamid ah Odayaasha dhaqanka beesha Qalbi-Dhagax, ayaa xaqiijiyay sii deynta hogaamiyahan, oo tan iyo August 2017 ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxda ONLF ku kulmayaan Eritrea, sidoo kalena uu isbedello ay ka socdaan Eithiopia wixii ka dambeeyay markii Abiy Axmed loo doortey xillka Ra'iisul Wasaaraha bishii April 2018.

Qalbi Dhgax ayaa lag qabtey deegaanada Galmudug bartamihii sanadkii tagey, iyadoo kadib ay dowladda Federaalka u gacan gelisay Eithiopia, madaama uu katirsan yahay ONLF, oo dalkaasi looga aqoonsan yahay Ururka Argagaxiso.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareyn xooggan kala kulantay Dhiibista Qalbi Dhagax ay u dhiibtay dowladda Eithiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM