Ethiopia oo xabsiga kasii deysay Qalbi-Dhagax

Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Ethiopia ayaa sii deysay Cabdikariim Muuse "Qalbi-Dhagax", oo katirsan Saraakiisha Ururka ONLF, oo dagaal kula jira dalkaasi.

Fowsi Maxamed Cali, oo kamid ah Odayaasha dhaqanka beesha Qalbi-Dhagax, ayaa xaqiijiyay sii deynta hogaamiyahan, oo tan iyo August 2017 ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxda ONLF ku kulmayaan Eritrea, sidoo kalena uu isbedello ay ka socdaan Eithiopia wixii ka dambeeyay markii Abiy Axmed loo doortey xillka Ra'iisul Wasaaraha bishii April 2018.

Qalbi Dhgax ayaa lag qabtey deegaanada Galmudug bartamihii sanadkii tagey, iyadoo kadib ay dowladda Federaalka u gacan gelisay Eithiopia, madaama uu katirsan yahay ONLF, oo dalkaasi looga aqoonsan yahay Ururka Argagaxiso.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareyn xooggan kala kulantay Dhiibista Qalbi Dhagax ay u dhiibtay dowladda Eithiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM