Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada oo kala qeybsanayo 40 kun oo askari Boolis ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkii Boliiska Dalka ee Qaabdhismeedka Amniga Qaran, ayaa galay maalintiisa 2-aad, iyada oo ay Dowlad-Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ay ku kala qeybsanayaan 40 Kun oo Boliiska Dalka ah.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Maaliyada, Talisyada Boliiska & la taliyaaysha Amaanka Madaxweynayaasha DXDF.

Inta uu shirka socday ayaa la isweydaarsaday afkaaraha iyo talooyinka la xariira qeybsiga Ciidamada, Tayeeynta Ciidanka iyo dadaalada dalka looga xoreynayo ‘AS’.

Waxaa la filaya in DF iyo DXDF ay beri soo waaraan war-murtiyeed lagu shaacinaayo sida loo kala qeybsaday ciidamada Booliska lana soo gabgabeeyo shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM