Dowladda Federaalka oo ku baaqday in la caawiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, si uu ugu kuurgalo xaaladda dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay roobabkii dayrta.

Kormeerka wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinayey mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Maaraeynta Masiibooyinka Qaranka, xubno ka socday hay’adaha samofalka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Intii uu ku guda jiray Booqashada ayaa waxaa uu kormeeray xeryaha qaxootiga, dadka ay saameeyeen fatahaadaha, iyo barakacayaasha, isagoo sidoo kale kulamo la qaatay maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale ku booriyay madaxweynaha Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Laftagareen iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka inay mideeyaan dhammaan dadaallada socda ee lagu samata bixinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa gaar ahaan ganacsatada in ay soo farageliyaan sidii loo caawin lahaa dadka ay roobabku saameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM