Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadal

Image
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u jawaabay Siyaasyiinta ka soo horjeeda hanaankii loo maray ansixinta dastuurka.

Muqdisho, Soomaaliya - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Afur mahadnaqah u sameeyay xubnaha Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay 4-ta Cutub ee ugu horeeya Dastuurka muranka ka taaganyahay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb geshay munaasabada, isaga oo ka jeediyay khudbad oo ugu jawaabay Siyaasyiinta ka soo horjeeda hanaankii loo maray ansixinta dastuurka.

“Waa inaan aaminaa hay’adaha dastuuriga ah oo uu ku jiro baarlamaanka, lana xoojiyo kaalintooda, ee ma ahan inaan diidno go’aan kasta oo ay soo saaraan.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday in laga shaqeyn doono sidii loo dhaqan gelin tallaabadii Baarlamaanka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay arrimahaasi u daayaan hay’adaha u xilsaaran.

Wuxuu intaas raaciyay, “Waxaan diyaar u nahay inaan ka gorgortano oo aan ku qancino dhammaan dhinacyada, laakin waa in aysan waxba u dhimin arrintaas howlaha ay hayaan hay’adaha dowladda.”

Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka aysan weli ku guuleysan in ay dhaqan geliso qodobbadii dastuuriga ahaa ee la ansixiyay, maadaama ay wali Madaxda Dowlad-Goboleedyada ugu yeerto “madaxweyne”, iyada oo dastuurka Cusub dhigaya Isticmaalka ereyga Hogaamiye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM