Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

Image
In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhimashada ka dhalatay daadadka kusoo rogmadey qeybo kamid ah Kenya ayaa tacsi u dirtey ehelada dadka ku nafwaayay musiibadan.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u direysaa dowladda iyo shacabka Kenya, kaddib geeridii naxdinta lahayd ee ku dhawaad ​​50 qof oo ka dhashay burburka biyo xireenka iyo fatahaadda xooggan ee ka dhacday agagaarka magaalada caasimadda ah ee Nairobi," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Qoraalka ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Waxaan murugada la qeybsaneynaa dhamaan qoysaska dhibanayaasha iyo dhammaan kuwa ay saameeyeen masiibada dabiiciga ah".

"Waxaan garab taaganahay Kenya xilligan adag, anagoo bixinayna taageeradayada iyo wadajirka inta uu qaranku dib u soo kabanayo oo uu dib u dhisayo. Waxaan u rajeynaynaa dadka ay dhibaatadu soo gaartay dulqaad iyo bedel wanaagsan," ayaa la raaciyay bayaanka.

Daadad xooggan iyo dhul go’ ayaa ku dhacay guryo waxayna gooyeen waddo weyn oo ku taal Kenya, waxaana ku dhintay ugu yaraan 45 qof, tobanaan kalena waa la la’yahay Isniintii, sidda ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Sarkaal ka tirsan booliska Stephen Kirui ayaa markii hore u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in biyo xireenka hore ee Kijabe oo ku yaala deegaanka Mai Mahiu ee gobolka Great Rift Valley oo u nuglaa fatahaadaha uu soo dumay, kaas oo siday dhoobo, dhagaxaan iyo geedo la rujiyay.

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay. Madaxweyne William Ruto ayaa ku amray Adeegga Dhallinyarada Qaranka inay bixiyaan dhul si loogu isticmaalo xero ku meel gaar ah.

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda, iyadoo guryihii ku yaallay deegaannada ay fatahaaduhu ka dhaceen ay qarqiyeen dhoobadda, iyadoo dadka ay magan-gelyo u noqdeen iskuullada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM