Dowladda Federalka oo lagu wareejinayo maamulka hawada Somalia

Image

MUQDISHU- Waxaa magalada Muqdishu xarunta Somalia la gaarsiiyay qayb kamid ah qalabka lagula socda hawada Somalia, kaasi oo laga soo qaaday dalka Kenya gaar ahaan Nairobi, waxaana la filayaa in maalinta Isniinta ee soo socota lagu wareejiyo wasaaradda gaadiidka.

Danjiraha Somalia ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay in arrintan muddo kasoo shaqaynayeen, isagoo intaasi raaciyay in ku dhawaad 30 sano ay tahay markii ugu horraysay ee qalabkan Somalia la keeno.

Jamaal ayaa xusay in qorshaha xiga noqonayo sidii Somalia loogu wareejin lahaa maamulka Hawada Somalia oo hadda xukunto hay'adda Qaramada Midoobay katirsan oo lagu magacaabo ICAO.

“Qalabkan wuxuu ka kooban yahay Computero iyo adeegii saadaasha hawada oo markii u horeysay Soomaaliya la keeno, waxaa gacan naga siiyay IGAD iyo Hey’adda ICAO, dowladda Soomaaliya waxay la soo wareegi doontaa inta ka hartay maamulka Hawada Soomaaliya," Ayuu yiri Amb. Jamaal.

Wuxuu intaasi ku daray in dhawaan la keeni doono Raadaar lagula socon doono diyaaradaha isticmaalaya hawada Somalia, isagoo intaasi raacshay inay tani sahlayso in Somalia awood u yeelato maamulka hawadeeda.

Qorshaha lagu wareejinayo maamulka hawada Somalia, ayaa muddo soo socday, waxaana laga yeeshay shirar badan, balse go'aanka lagu wareejinayo waxaa ka biyo diiday Somaliland oo sheegatay inay tahay maamul ka madax banaan xukunka dowladda Federalka Somalia iyagoo sheegtay inay hawadooda u madax banaanyihiin.

Hay'adda ICAO, ayaa tan iyo 1991 gacanta ku haysay maamulka hawada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM