Dowladda Masar oo cambaareysay Qaraxyadii shalay ka dhacay Suuqa Bakaaro

Image
Dhacdadan ayaa sababsatay dhimashada 12 qof iyo dhaawaca tobaneeyo kale.

Qaahira (GO) - Dowladda Masar ayaa war qoraal ah oo ay maanta soo saartay ku cambaareysay Qaraxii ka dhacay Suuqa Bakaaro oo ku yaalla Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu yiri: “Dowladda iyo shacabka Masar ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya”

Dowladda Masar oo tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay dhacdadan foosha xun, ayaa sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dhammaan dadkii ku dhaawacmay.

Qaraxyo is xigxigay ayaa shalay ka dhacay agagaarka Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaala suuqa Bakaaraha oo ah goob ay dadku ku badan yihiin, waxaana qaraxyadan lala beegsaday xarumo ganacsi oo lagu iibiyo qalabka Elektarooniga ah.

Dhacdadan ayaa sababsatay dhimashada 12 qof iyo dhaawaca tobaneeyo kale, sidoo kale waxaa burbur gaaray gabi ahaanba dukaamada la beegsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM