Dowladda Masar oo cambaareysay Qaraxyadii shalay ka dhacay Suuqa Bakaaro

Image
Dhacdadan ayaa sababsatay dhimashada 12 qof iyo dhaawaca tobaneeyo kale.

Qaahira (GO) - Dowladda Masar ayaa war qoraal ah oo ay maanta soo saartay ku cambaareysay Qaraxii ka dhacay Suuqa Bakaaro oo ku yaalla Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu yiri: “Dowladda iyo shacabka Masar ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya”

Dowladda Masar oo tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay dhacdadan foosha xun, ayaa sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dhammaan dadkii ku dhaawacmay.

Qaraxyo is xigxigay ayaa shalay ka dhacay agagaarka Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaala suuqa Bakaaraha oo ah goob ay dadku ku badan yihiin, waxaana qaraxyadan lala beegsaday xarumo ganacsi oo lagu iibiyo qalabka Elektarooniga ah.

Dhacdadan ayaa sababsatay dhimashada 12 qof iyo dhaawaca tobaneeyo kale, sidoo kale waxaa burbur gaaray gabi ahaanba dukaamada la beegsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM