Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 30 ka tirsan AS

Image
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Jilib Marka ee ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose.

Marka, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Jilib Marka ee ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa beegsaday goobo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda “AS”, waxaana la gaarsiiyey khasaare xooggan, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda.

Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 30 maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsan kooxda, waxaana sidoo kale lagu soo qabtay gaadiid dagaal.

Ciidamada dowladda ayaa wali sii wada weerarada ay ku qaadayaan fariisimaha AS ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxaa la filayaa in labadan maamul uu ka dhaco wajigii labaad ee howlgallada ciidan ee ka dhanka ah AS, ka dib marka uu dhamaado wajiga koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM