Dowladda oo xaqiijisay in ay korortay dadka loo karan-tiilayo Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka xukuumada federaalka Soomaaliya oo warbixin kasoo saartey xaalada dalka ee Coronavirus ayaa xaqiijisay kiisas cusub oo hubin ah lana xiriira Corona.

Shan muwaadin oo ka timid Shiinaha ayay sheegtay in loo diray qeybta karan-tiilka. Tani tirada guud ee dadka laga baarayo caabuqaas waxay ka dhigeysaa todoba.

Sidda ku xusan bayaanka wasaaradda, illaa iyo haatan ma jiro ruux cusub oo laga helay cudurkaas marka laga reebo bukaankii ay Isniintii shaacisay in laga helay, kaasoo ka yimid China.

Nuxurka bayaanka wasaarada ayaa ah;

• Ilaa iyo maanta ma jirto wax xaalad cusub ah oo la xiriirta cudurka Corona oo laga helay Soomaaliya, marka laga reebo kiiskii horey loo xaqiijiyay

• Waxaa xarunta karantiilka la geeyay 5 qof oo ka yimid wadanka Talyaaniga iyo qof kasoo galay wadanka Shiinaha. Dhamaantood dadkaan xaaladooda caafimaad waa mid aad u wanaagsan waxayna karantiilka ku jiri doonaan muddo 14 cisho ah

• Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay shir looga arinsanayay qiimeynta caqabadaha dhaqaale iyo mid caafimaad ee ka dhalan karta cudurka Corona

• Wasaaradda Caafimaadka ayaa hirgelisay nidaam lagu maareynayo loogana jawaab celinayo cudurka Corona, toosoo loo magacaabay gudi si gaar ah uga shaqeeya hawllaha la xiriira ka hortaga iyo ka diyaar garowga caabuqa Corona

• Waxaa bilowday dhismaha Xarunta Hawlgallada Deg-dega ee Caafimaadka Guud

• 7 qof oo dheeraad ah ayaa loo tababaray xarunta karantiilka ee Muqdisho

• Waxaa lagu kordhiyay shaqaale iyo qalab xarunta dadwenuhu ay ka wacaan lambarka gaaban ee 449

• 4 ambalaas ayaa loo diyaariyay in ay u adeegaan xarumaha hubinta badqabka bulshada

• Waxa kormeer farsamo lagu sameeyay xarunta loo asteeyay daaweeynta bukaanada laga helo caabuqa Corona


Talyaaniga ayaa wuxuu kamid ah wadamadda uu sidda balaaran u aafeeyay COVID-19. Tiradda guud ee dhimashada waxay gaareysaa 3,405. Kiisaska la diiwaan-geliyey waxay kor-u-dhaafayaan 41-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM