Dowladda Shiinaha oo kala Shaqeyneyso Hay’adda SoDMA badbaadinta nolosha 1 Milyan oo Soomaali ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Fei Shengchao. Muhiimadda koowaad ee kulanka ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca gargaarka bini’aadantinimo.

Intii kulanka uu socday ayaa guddoomiye Maxamuud Macallin waxa uu uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada ay wax uga qabato dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha, fatahaadaha iyo musiibooyinka kale ee bini’aadantinimo ee ka jiro dalka.

Khatarta cimilada El Niño ayaa laga yaabo inay saameyn ku yeelato illaa hal milyan oo qof oo ku nool dalka, Guddoomiyaha ayaa iftiimiyay dadaallada ay hormuudka ka tahay Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ee loogu diyaar garoobayo caqabadan soo socota.

Wada-shaqeynta (SoDMA) iyo dowladda Shiinaha ayaa kaalin mug leh ka qaadan karto ilaalinta nolosha iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dalka uu isu diyaarinayo caqabado hor leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM