Dowladda Somalia oo ka hadashay Guusha Lafta Gareen ee doorashada KG

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay doorashada Madaxwaynaha cusub, ee maamulka Koonfur Galbeed oo uu goobjoog ka ahaa.

Sabriye ayaa horkacayay wafdi ka socda dhinaca xukuumada Muqdisho, kuwaasi oo korjoogto ka ahaa coddeynta oo ay ka qayb galaleen 149 mudane, xili ay ku tartameysa Shan musharax.

Cabdicasiis Xasan Maxamed oo ku magac-dheer Lafta-gareen ayaa kaa adkaadey afarta Musharax kadib markii uu helay codad dhan 101 mudane, halka Musharixii ugu dhawaa Aadan Saransoor uu helay 22 cod.

Gabagabada doorashadda, Wasiir Sabriye oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa carabka ku dhuftay in nidaamka ay u qabsoonto coddeynta ay ahayd mid xor iyo xalaal ah.

“Aniga oo ka wakiil ah Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha [DFS], inaga oo gudanaya waajibaadka wasaarada iyo midka wasiirnimo, waxaan rabaa inaan cadeeyo inay doorashado ahayd mid daahfuran, oo xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Wasiirka.

Laftagareen oo 48-sano jir ayaa noqonaya Madaxwaynihii labaad ee uu yeesho maamul goboleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna xilka sii hayn doonaa afarta sano ee soo socota isaga oo bedalaya Shariif Xasan Aadan oo is-casilay kahor doorashadda.

Madaxwaynaha cusub oo doorashadiisa kadib lagu dhaariyay isla goobta ayaa la filayaa in la qaban-qaabiyo munaasabadii lagu caleema-saari lahaa, taasi oo la rajaynayo inay kasoo muuqdaan Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka.

Wasiir hore uga tirsanaa Xukuumadda Khayre ayaa ku eedeeyay Villa Somalia in malaayiin dollar ay ku bixisay doorashadda Lafta Gareen, xilli shacab badan gaajo u dhimanayaan. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM