Dowladda Somalia oo ka hadashay weerarkii Raso

Image

MUQDISHO — Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay weerarkii ka dhacay deegaanka Raso ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo diyaaradaha Mareykanka ay ku beegsadeen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka amniga qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka war-heysay weerarka oo Mareykanka uu kusoo wargeliyey.

Wasiirka waxa kale uu shaaca ka qaaday in tirada maleeshiyada halkaas ku dhimatay ay u dhaxeyso 150 illaa 200 oo maleeshiyo.

“Inta badan tababarada kooxda Al-Shabaab waxaa markiiba ka qeyb gala 150-200 oo maleeshiyo, marka tirada dhimashada Mareykanka sheegay ee ah 150 waa sax, haddiiba aysan ka badneyn” ayuu yiri wasiirka. 

Wasiirka amniga qaranka Soomaaliya, waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan weli ka war-hayn wax madax ah oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo halkaas ku geeriyooday, balse laga yaabo in warar arrintaas la xiriira ay dib kasoo baxaan.

Hadalka wasiirkaa imaanaya xilli Dowlada Mareykanka sheegtey in diyaaradohooda dagaalka weerareen xero ciidamada ururka Al-Shabaab lagu weerarey xero ciidan oo ku taal konfurta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM