Dowladda Soomaaliya oo beenisay sheegashada Somaliland ee maamulka Hawada

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay wararka kasoo baxay dhinaca Somaliland.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saaray Warsaxaafadeed ka soo lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso guud ahaan maamulka iyo maaraynta hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa warsaxaafadeedkan kaga dhawaaqay Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas uu shirguddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka. Intii lagu guda jiray Shirka, Golaha ayaa warbixin la xiriirta hawada Soomaaliya ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Dhanka kale, Somaliland ayaa beenisay wararka kasoo baxay dhinaca dawladda Soomaaliya iyada oo sheegtay in aanay wax khalkhal gelin ah ku sameyn Hawada Soomaalida.

Yaa maamula Hawada Soomaaliya?

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Duulistada Rayidka ICAO, ayaa magaalada Nairobi ka maamuli jirtay hawada Soomaaliya muddo 27 Sano ah.

Bartamaha sanadka 2018 ayaa si rasmi ah dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay maamulka hawada, waxaana laga hirgeliyay dalka xarumood oo laga hago diyaaradaha kuwaas oo ku kala yaala Muqdisho & Hargeysa.

Arrintan ayaa ka dhigan in labada Xarumood ee Muqdisho & Hargeysa ay yihiin kuwoo isku awood ah, oo la hadli kara diyaaradaha ka duulaya gudaha dalka, Sida ay xaqiijiyeen ilo-warbaahineed.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM