Dowladda Soomaaliya oo codsi cusub u dirtey Bangiga Adduunka

Image
Floribert Ngaruko, oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Afrika (Group 1), ayaa booqasho ku yimid Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Floribert Ngaruko oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Afrika (Group 1).

Ngaruko ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay muujisay si ay usoo gaarto barta dhammaadka hannaanka deyn cafiska oo soo gaba-gaboobay 13 bishan Diseembar ee aynu ku jirno.

Saalax ayaa kala hadlay masuulkan sidii Bangigu uga taageeri lahaa Soomaaliya qorshaha deyn cafiska kadib, isaga oo uga mahad-celiyay Agaasimaha doorkii uu bangiga ka qaatay dhammaystirka hannaanka deyn cafiska.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa xusay inay ka dawlad ahaan ballan qaadayaan inay sii xoojin doonaan sii wadista dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, la dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta hiigsiga xukuumadda DanQaran ee isku filnaansho dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM