Dowladda Soomaaliya oo daahfurtay xafiis qabanaya shaqo muhiim ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta xariga ka jaray xafiiska hubinta qalabka dhismaha oo qalabeyn casri ah lagu sameeyay, si uu qeyb uga qaato tayeynta dhismaha guryaha iyo wadooyinka dalka.

Ujeedada hir-gelinta xafiiska ayaa salka ku heysa horumarinta tayada dhismayaashada dalka iyo hubinta dhamaan waxybaaha fududeynaya in dhismaha dalka la hagaajiyo si loo helo dhismayaal tayo leh oo u adkeysan kara dabeylaha, roobabka, fatahadaha iyo dhamaam waxyaabaha burburiya dhismooyinka iyo wadooyinka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ballan qaaday in dowladdu ay ka shaqeyneyso hannaankii xafiiska loo ballaarin lahaa, ayaa shirkada dhismaha kula dardaarmay inay wasaaradda Howlaha guud kala shaqeeyaan hirgelinta dhismayaal leh tayada iyo halbeegga heer caalami.

Dowladda ayaa ku howlan hagaajinta iyo horumarinta dhismayaasha dalka si loo helo waddooyin iyo dhismayaal casri ah oo ka qeyb qaata bed-qabka bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u kabashada dalka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM