Dowladda Soomaaliya oo degniin u dirtay maamulka Somaliland

Image
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa si adag uga hadashay Khilaafka labada dhinac.

Muqdisho, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya ayaa maanta war kasoo saartey xiisada kala dhaxeyso maamulka Somaliland ee ku aadan maamulka hawada.

Hadal kaso yeerey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa loogu digey Somaliland qal-qal gelinta amniga diyaaradaha.

"Sii socoshada talaaboyinkaan ayaa keeni kara in Soomaaliya ku qasabto diyaaradaha caalamiga ah ee ka dega Hargeysa in ay marka hore soo maraan Muqdisho." ayay raacisay Wasiirka.

Dowaldda Soomaaliya ayaa ku boorisay maamulka Somaliland inay kala hadlaan dowladda Cabshada ay qabaan, kuna laabtaan miiska wadahadalka si looga heshiiyo.

Wasiir Fardowso ayaa sheegtay in hawada Soomaaliya ay ku jirto gacan amni ah, iyadoo tilmaamtay in aanay jirin wax cabsi ah oo laga qabo in Somaliland ay carqadalayso habsami u socodka maamulka hawada dalka.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay isku hayaan maamulka hawada, iyadoo madaxda Somaliland ay rumeysan yihiin in dowladdu ay siyaasadeynayso arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM