Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay laamaha amniga Somaliland

Image
Tani ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan beegsiga ka dhanka ah warbaahinta iyo dadweynaah ku nool gobolada waqooyi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay "tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af-gabto warbaahinta iyo dadweynaha".

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in "nasiib darro" ay tahay "halka uu taagan yahay heerka ku xad-gudubka xaquuqda aadanaha io ku dhaqanka sharciga".

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa looga digay hay'adaha ammaanka Somaliland "in ay ka waantoobaan u hiilinta iyo garab-siinta is afgaradka sharci daradda ah iyo damaca Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato dhul iyo bad Soomaaliyeed".

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af-gabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka, kuwaas o ka dhiidhinaya is-afgaradka sharci daradda ah ee xad-gudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee u la soo galay dowladda Itoobiya.

In la beegsado wariye yo warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta oo ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xad-gudubka xaquuqda aadanaha io ku dhaqanka sharciga.

Dareenka waddaniyadda iyo dal jaceylka ku jiro dadka gobollada waqooyi xoog laguma maquunin karo lagumana af-qaban karo, waxaana ay xoojinaysa in kacdoonka shacbigu laba kacleeyo.

Hay'adaha amniga ee maamulka Somaliland waxaan ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan u hiilinta iyo garab-siinta is afgaradka sharci daradda ah iyo damaca Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato dhul iyo bad Soomaaliyeed taas oo khatar ku ah mustaqbalka iyo karaamada dadka gobollada waqooyi ku nool iyo guud ahaan umadnimada shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxa ay si buuxda u bogaadinaysaa uguna mahad-celinaysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka gobollada waqooyi oo sida lagu yaqaanay dalkeena meel adag iska taagay, iskana diday damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda iyo dhulka Soomaaliya.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM