Dowladda Soomaaliya oo go’aamo ka soo saartay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

Image
Dowladda oo ka jawaabaysa go’aankaas ayaa la tashi ugu yeertay Safiirka Dalka Soomaalya u fadhiya Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Golaha Wasiirada ayaa maanta war-murtiyeed ka soo saaray heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya, waxayna ku tilmaameen mid “faragelin ku ah” arrimaha gudaha ee dalka.

Dowladda oo ka jawaabaysa go’aankaas ayaa la tashi ugu yeertay Safiirka Dalka Soomaalya u fadhiya Itooobiya.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay tahay mid xadgudub ku ah madaxbanaanida dalka iyo dastuurka Soomaaliya.

Waxay dowladdu diidday heshiiskan ka horimaanayo Baarlamaanka, waxayna ku tilmaamtay waxba kama jiraan, waxay sidoo kale uga digtay Itoobiya isku dey kasta oo xadgudub ku ah midnimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Xaq uleedahay inay ka jawaabto tallaabada Itoobiya isla markaana Waajib ka saaran yahay difaaca midnimada dhuleed ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay Golaha Amaanka ee Qaramada midoonbay, Ururka Midowga Africa, Ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Jaamacadda Carabta, iyo Ururka IGAD inay garrab istaagaan Xaqa Soomaaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM