Dowladda Soomaaliya oo go’aamo ka soo saartay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

Image
Dowladda oo ka jawaabaysa go’aankaas ayaa la tashi ugu yeertay Safiirka Dalka Soomaalya u fadhiya Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Golaha Wasiirada ayaa maanta war-murtiyeed ka soo saaray heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya, waxayna ku tilmaameen mid “faragelin ku ah” arrimaha gudaha ee dalka.

Dowladda oo ka jawaabaysa go’aankaas ayaa la tashi ugu yeertay Safiirka Dalka Soomaalya u fadhiya Itooobiya.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay tahay mid xadgudub ku ah madaxbanaanida dalka iyo dastuurka Soomaaliya.

Waxay dowladdu diidday heshiiskan ka horimaanayo Baarlamaanka, waxayna ku tilmaamtay waxba kama jiraan, waxay sidoo kale uga digtay Itoobiya isku dey kasta oo xadgudub ku ah midnimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Xaq uleedahay inay ka jawaabto tallaabada Itoobiya isla markaana Waajib ka saaran yahay difaaca midnimada dhuleed ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay Golaha Amaanka ee Qaramada midoonbay, Ururka Midowga Africa, Ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Jaamacadda Carabta, iyo Ururka IGAD inay garrab istaagaan Xaqa Soomaaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM