Dowladda Soomaaliya oo go'aan kasoo saartay Shirarka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa go'aan kasoo saartay maanta oo Isniin ah shirarka gaarka ah ee lagu qabto magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow oo ka hadlay maanta Shir jaraa'id isaga iyo Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir si wadajir ah ugu wada qabteen Muqdisho ayuu ku shaaciyay go'aanka dowladda.

Islow ayaa dabaalka ka qaaday in aan la qaban karin Shir aan dowladda, gaar ahaan wasaaradda amniga ama maamulka gobolka Banaadir aan looga soo fasax-qaadan.

Amarkan ayaa soo baxay saacado kadib markii ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa NISA ay howlgal ka fuliyeen xalay Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku yaalla nawaxiga Hotel Jazeera.

Howlgalkan ayaa waxaa ku dhintay lix Askari oo kamid ahaa ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagana dhaawac ayaa kasoo gaarey, waxaana lagu xiray xabsi ay leedahay Hay'adda Nabad Sugida.

Dowladda ayaa Cabdiraxmaan ku eedaysay in Gurigiisa lagu abaabulayay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Xukuumadda Khayre, oo Xildhibaanno badan kawadaan mooshin lagu ridayo kaasi oo baarlamaanka loo gudbinayo marka uu furmo kalfadhigiisa 3aad.

Hoteeladda Muqdisho ayaa qaarkood islamarkiiba dhaqan geliyay qaabilaadda Kulamada aan ogolaanshiyaha looga haysan Wasaaradda amniga ama maamulka gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM