Dowladda Soomaaliya oo guulo horleh ka sheegatay dagaalkii Ceeldheer

Image
Wasaaradda Warfaafinta ayaa soo saartay war qoraal ah oo ay ku sheegayso in ciidamadu soo uruuriyeen meydad horleh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guulo horleh waxa ay ka sheegatay dagaalkii ka dhacay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in ciidamadda ay soo uruuriyeen meydad horleh oo ah ururka xiriirka la leh Al-Qaacida.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA


Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Deegaanka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku hawlanaa baadi goobka haraadiga Khawaarijtii lagu laayay dagaalkii ay ku jabeen ee ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa helay meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijtii soo weerartay magaalada waaberigii Sabtidii tagtay.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay tiro maleeshiyaad ah, intii lagu jiray baadigoobka iyo sifeynta Khawaarijta dagaalkii Ceeldheer kadib.

Ciidamada Dowladda ayaa ku hawlan aasidda meydadka la helay, waxaa sidoo kale ay sii wadaan hawlgalka uruurinta, maadaama ay jiraan maleeshiyaad kale oo dhaawac ahaa oo daryeel xumo qaarkood u dhintay, wadarta guud ee maleeshiyaadka la dilay ayaa ilaa hadda kor u dhaafay 60 xubnood oo ay Horjoogayaal ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysa waalidiinta Soomaaliyeed ee ay carruurtooda qaldeen cadowga Khawaarijta ah in ay kala soo baxaan.

Dowladda waxaa ka go'an ciribtirka Khawaarijta, dhalinyarada ay qaldeen waxa ugu yeeraynaa in ay si deg deg ah uga soo baxaan nabad-diidka arxanka darran, inta aysan ku bixin gacanta Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka, si lamid ah kuwii la midka ahaa ee alle ku ciqaabay gacanta ciidamadeenna.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Doorasho La Boobo Soomaaliya Kama Dhici Karto

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale si adag uga hadlay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    07-06-2026

  • 12:42PM

Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 01:27PM