Dowladda Soomaaliya oo ka digtay Qarax Gaari oo ku jira Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay Digniin la xiriirta Qarax Al Shabaab ay qorsheynayso inay ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Maxamed Abuukar Islow "Ducaalle" ayaa ka sheegay Shirkii Gollaha Wasiiradda maanta in Gaari nooca loo yaqaano NOAH oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lasoo geliyay magaalada, islamarkaana la doonayo in lagu fuliyo weerar goobaha muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda.

Gaarigan ayaa loo soo ekaysiiyay baabuurta Shirkadda Sahal ee ka shaqeysa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle kuwaasi oo rakaabka Diyaaradaha kasoo qaada Isgoyska KM4 (Lambar Afar).

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dadka shacabka ee magaalada Muqdisho inay muujiyaan feejignaan, islamarkaana kusoo wargeliyaan Hay'addaha amniga hadii ay arkaan Gaari ay ka shakiyaan, si looga hortago weerarka la qorsheynayo.

Dhank kale, Wasiir Islow ayaa ku amray Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya in si deg deg ah kusoo qabtaan Gaarigaasi lagu soo xiray walxaha qarxa.

Amaanka Muqdisho ayaa kasoo reynayay mudooyinkii dambe, inkastoo ay ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo miino, iyadoo Isgoysyada wadooyinka muhiimka ay dhigtay dowladda ciidamo kala duwan oo baaritaan ku sameeya gaadiidka dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM