Dowladda Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga mid noqon doonta Urur Goboleedka EAC

Image
Waxaa heshiiska gudooomi doona Xoghayaha Guud ee EAC.

Arusha (GO) - Munaasabad ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku gudbineyso heshiiska rasmiga ah ee ku biirista Urur Gobolleedka Bariga Afrika ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo Magaalada Arusha ee waqooyiga Tanzania.

Waxaa heshiiska gudooomi doona Xoghayaha Guud ee EAC, waxaana ka mid ah Wafdiga Soomaaliya Wasiirka Ganacsiga Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaji Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo xubno kale.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay heshiiska ku biirista Soomaaliya ee Urur-Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afirka ee “EAC”.

Ururkan ayaa ka mid ah dalalka Kenya, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania oo kamid ah xubnaha ururkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ku biirsta ururkan oo faa’iidooyin badan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed siiba kuwa ganacsi ku leh wadamada ku midaysan ururka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM