Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweysay “Madaxweynaha Awdal State”

Image
Dowladda ayaa ballaan qaadday in ay garab isataagi doonto Shacabka Awdal.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxaweynaha maamulka aan wali aqoonsiga helin ee Awdal State Cabdisamad Ibraahim Nageeye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu dalka ku yimid casuumaad uu ka helay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Cabdisamad ayaa sheegay in uu dowladda ka helay ballaan qaad ah in ay garab isataagi doonto Shacabka Awdal, si ay uga hortagto damaca Itoobiya ay ku doonayso qeyb ka mida badda Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray: “Haddii Itoobiya ay qabsato gobolka Awdal, waxay qaadan doontaa Hargaysa, waxay qaadan doontaa Garoowe, waxay qaadan doontaa Muqdisho, waxayna ku darsan doontaa Jabuuti”.

Proff. Cabdisamad ayaa bogaadiyay tallaabooyinka uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ka dhanka ah heshiis beenaadkii ay wada gaareen Itoobiya & maamulka Somaliland.

"Wuxuu caddeeyay [Madaxweeyne Xasan Sheekh] in aan taako ka mid ah dhulka Soomaaliya la qaadan karin, lana difaaci doono, taasi oo aan filayo in 80% hoos u dhigtay damaca Itoobiya." ayuu yiri Proff Cabdisamid.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay bulshada Soomaaliyeed u diyaariso dagaal, isla markaana dadka deegaanka ay ka caawiyaan sidii ay dagaalka u bilaabi lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM