Dowladda Soomaaliya oo qad casaan ah u xariiqdey Somaliland

Image
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa digniin kama dambeys ah u dirtay maamulka Somaliland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , waxay la wadaagaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed; warsaxaafadeed  la xiriira dhacdooyinkii u dambeeyay ee hawada Dalka iyo tallaabooyinka la qaaday.

Talaabooyinka la qaadey ayaa kala ah;

Dowladda Soomaaliya waxay soo saartay warsaxafadeed taariikhdu markay ahayd 13 Feebarayo 2024, taas oo bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba loogu xaqiijinayey bad-qabka duulimaadka hawada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya mar walba waxay digniino u direysay maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland si ay uga waantoobaan faldambiyeedyadaas.

Dowladda Soomaaliya iyadoo tixgelineysa shuruucda duulimaadka adduunka ayay soo saartay wargelinno (NOTAMs) A0017/24 iyo A0019/24, kuwaas o lala wadaagay dhammaan caalamka iyo hay adaha ay khusayso, laguna xaqüijinayey in duulimaadyadu si bad-qab iyo amni ah ku maraan hawada goboladaas, iyadoo aanay wax saameyn ah ku yeelanin carqaladahani addeegii duulista hawada.

War-saxaafadeedka hay'adda ayaa intaas ku daray: "Haddaba, haddii ay sid socdaan talaabooyinkan faldambiyeedka ah ee lagu carqaladeynayo Duulimaadyada Rayidka ah ee dul mara gobolada waqooyi ee dalka, waxay dowladda Soomaaliya Iyadoo ka xun ku khasbanaan doontaa inay qaado talaabooyin ad-adag oo lagu xaqiijinayo amniga iyo bad-qabka Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM