Dowladda Soomaaliya oo shaacisay 34 kiisas cusub oo ah Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 34 xaaladood cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa tilmaamtay in 7 kamid ah bukaanada ay ku sugan yihiin Puntland, 27-da kelana gobolka Banaadir ama magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Bukaanada cusub 26 kamid ah waa rag, halka 8-da kale ay yihiin dumar, sidda ay ka dhawaajisay Fowziya oo wariyeyaasha kula hadashay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee xaaladaha caabuqa gudaha Soomaaliya ay gaartey 756, waana koror aanan la fileyn maalintii la diiwaan-geliyey kiiskii ugu horeeyay oo ahayd bishii Maaj.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa dhacday saddex geeri ah oo ka dhalatay caabuqa, taas oo wadarta guud ee dhimashadda ka dhigeysa 35 guud ahaan waddanka.

"Waxaan bogsatay 17 bukaan 24-kiis saac ee lasoo dhaafay; wadarta guud ee bukaanada bogsaday waxay gaartay 61," ayay hadalkeeda raacisay Fowziya, oo dadweynaah ku boorisay in ay taxadaraan.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay diiwaan-gelisay kiiskii ugu horeeyay oo laga helay muwaadin ka yimid Shiinaha, oo ah xudunta cudurka dilaaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM