Dowladda Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha qaraxii xerada Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay qaraxii is-miidaaminta ee saaka ka dhacay afaafka hore ee saldhiga Turkiga ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ismaaciil Mukhtaar Cusmaan, afhayeenka wasaaradda warfaafinta oo qoraal soo dhigay baraha bulshadda, ayaa xaqiijiyey in ciidanka ay toogteen ruux damacsanaa in uu isku qarxiyo layli saraakiil.

Layliga saraakiisha ayaa ku jiray saf dheer, waxaana xilliga uu falku dhacayey ay isku diyaarinayeen in ay galaan xeradda.

Sidda laga soo xigtay Cusmaan, saddex qof oo uu ku jiro is-miidaamiyaha iyo laba shacab ah ayaa ku geeriyooday ficilkaas.

Mid kamid ah dadka dhintay, sidda uu xusay afhayeenka, waxaa uu ahaa arday doonayey in uu ku biiro ciidamadda isla markaana safka ku jiray.

"3 Qof oo uu ka mid ahaa dhagarqabe xiran suunka walxaha qarxa ayaa ku dhintay qarax ka dhacay banaanka Dugsiga tababarka Turkey-Som, Ciidamada ayaa Ka shakiyay kadibna toogtay," ayuu yiri.

Mid kamid ah dadka dhaawacmay waxaa uu ahaa arday doonayey in uu ku biiro ciidamadda isla markaana safka ku jiray.

Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas'uuliyadda falkaas, hase ahaatee, waxaa dhacdooyinkaas looga bartay Al-Shabaab.

Saldhiga Turkiga ee Muqdisho oo ku yaala degmada Wadajir ayaa ku dhow xarunta howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ammaankeeda uu yahay mid si weyn ay u sugaan "ciidan Soomaaliyeed oo aad u tababaran".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM