Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada lagu dilay dagaalkii Baar Sanguuni

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa warmurtiyeed ka soo saartay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni.

Jamaame, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa warmurtiyeed ka soo saartay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, ilaa 27 ka tirsan maleeshiyaadka AS ayaa lagu dilay hawlgalka, waxaana sidoo kale nolosha lagu qabtay ilaa shan xubin oo ka tirsan AS.

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay weerar ay AS ku soo qaadeen fariisin ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, hallkaasi oo ilo kala duwan sheegeen in jab lagu gaarsiisay xubnaha weerarka geysatay.

Qoraalka ayaa lagu yiri: “Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelinaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ee mar kasta ku garab taagan dagaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga xoraynayo cadowga arxanka daran ee Khawaarijta.”

Ciidamada Dowladda oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay hawlgalo ka fuliyay gobolada dalka, kuwaas oo lala beegsanayo xubnaha Kooxda AS.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM